Gogol-dhig
Sida la wada ogsoon yahay ummad waliba waxa ay leedahay Ab iyo
Abtrisi loo sii kala dhambaallo Fir, Qabiil, Beelo, Jilibyo iyo Jifiyo:
taas oo keenta saameynta dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadda
(Socio-political and economic aspects) ee ay wadaagaan intii bah wdaag
ah.
Way
dhici kartaa in dadka qaarkii iska fogeeyaan xumaanna ka dhigaan wax ka
sheegista iyo ku dhaqanka taxan taran. Waa hubaal in ay ka eegeen dhanka
gurracan iyaga oo ka shidaal qaadanaya si xun u adeegsiga dadku hadda u
badan yahay, iyo u isticmaalka qaraddo iyo dano shakhsiyadeed oo
adeegsaduhu ku marin habaabiyo wax ma garad fara badan, baaqiisuna ama
tiraabkiisuna yahay yeedhmo foolxun oo la yiraahdo “Tolla’ayeey”
Haddiise
aan dhanka san ka fiirino, xasuuso sidii Eebaheen inagu yiri Qur’aanka
kariimka “” waxa aanu idiinka yeelnay umaddo iyo qabaa’il si aad isu
aqoonsataan. Dib u eeg dhaqankii Awoowayaal ee u adeegsan jiray taxa
taranka ama ku salayn jiray is aqoonsi, is taakuleyn, iska qabasho wixii
qaldan ee intii isku heybta ah, taas oo ay u dheerayd iyaga oo la lahaa
haybaha kale, xiriir, xeer, xididnimo. Waatayna ka baxday waxa tol loo
yahay (nin qaldan qabashadii iyo nin baahan wax siintii).
Hadaba,
taxa taran saamaynta uu ku yeesho dhaqanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda
waxa aan ku soo koobi karaa sidan: -
Dhaqanka:- Ergeynta,
isqabashada, ku dhaqanka xeerka, xushmaynta xididka, nabadgelinta
maganta iyo
bir-ma-geydada IWM.
Dhaqaalaha:- Magta, kaalmadda, kaaladda, is xoolaynta, qaadhaanka IWM.
Siyaasadda:- La samaysiga
xeerarka beelaha kale, doorashooyinka deegsiimooyinka, derisnimada,
nidaam is maamul leh, isim, guurti, iskaalmaysiga iyo wax wada qabsiga
beelaha kale.
Waxaa intaa dheer, in
silsiladda taxa taran aad ka dhex heli kartaan oo laga dheehan karo
ashkaasta bulshada dhexdeeda ku leh magac weyn, sida Hoggaamiyayaasha,
Abwaanadda, Isimada, Culumaa’udiinka IWM.
Hadaba,
daraasaddan silsiladda taxan taran ee beesha Axmed Harti (MOORACASE) oo
iyada lafteedu loo sii kala qaaday Jilibyo, Jifiyo iyo waliba bah
wadaago, waxa ay leedahay nidaam ismaamul oo uu hoggaan ka yahay Isin
martabaddiisu tahay UGAAS. Axmed Harti waxa ay daggan yihiin deegaanka
(Waqooyiga – Koonfureed ee Soomaaliya).ee gobolada BARI, KARKAAR iyo
Bariga SANAAG
Muhiimadda
qoristeeda keentay waxa ugu weynaa: -
1.
Iyada oo aan horay loo samayn
la hayna tixraac qoraal ah.
2.
Burburkii ka dhacay Soomaaliya
oo sababay in dhalinyaro fara badan debadda u yaaceen, qaar kalena ay ku
dhasheen oo ay halis tahay in ay ka lunto dhaqankii iyo hiddihii iyo
faa’iidooyinkii kale ee ay lahayd taxan taran oo ay daraasaddani u
noqoto marjac
3.
Iyada oo isku dayo fara badan
oo la sameeyay haba u battaan dad ajnebi ah, way u suurto geli wayday in
ay si qoto-dheer oo gudub iyo hoosba ah u dhammaystiraan waxayna ku
koobeen dul ka xaadin fahamkeeda adkaan karo, waloow ay dadaaleen. Waxaa
ka mid ahaa dadka dadaalka weyn sameeyay qoraaga weyn ee I.M. Lewis
buugiisa “People of the Horn of Africa (Somali, Afar and saho).
Halka kuwo kale dadaalkoodu nuqsaan ku noqon karaan qaladaad aasaasi ah
sida (Human rights Development report 1998 “Appendix C Clans of
Somalia”) oo aan ku tilmaami karo meeshuu ku yiri “The Darod
includes smaller clans such as Awrtable, Dishishle and Leelkase”
inkastoo Dishishe yahay Darood haddana lama sinna labada uu ku
lammaaneeyay ee waxa uu soo raacayaa taxa Kablalax – Harti – Mooracase –
Dishishe. Sidaa darteed waxa qoraha taxan taran culays weyn saaray qabyo
tirka Fir iyo Farac.
4.
Daraasado kale ee aanu xiganay
waxaa ka mid ah:
The Somali Clan system, An
Introduction of Somali Socieity and History – by GUID AMBROSO – where
sub office – Jigjiga Ethopia.
Ururinta iyo isku dubaridka daraasaddani ka sokow, mudada dheer ee ay
qaadatay, waxa ku baxday dhaqaale fara badan, waxa uu qoruhu la kulmay
in ka badan boqol qof, isaga oo mar walba hubinayey sugnaanta
silsiladda, waxa dhib weyn ahayd sii yaraanta duqowdii lagu aqoon jiray
xafidsiinta Abtirsiga.
Xusuus: Waxa aan ku muujinaynaa (Silsiladdan) qoraalkan
shakhsiyaadka gabayada caanka ah curiyey, waxa aan ku summadeynay
calaamadda
xiddigta shan geeska ah, Gabayadaas qaybta dambe ayaan ku soo daacaynaa
insha’allah.
# Waxaa
kale ku muujinaynaa sil-siladan tujaartii caank ahayd ee badaha iskaga
gooshi jiray
v
Waxaa iyana
sil-siladan ka muuqata beesha C/kariin Noolays(Tiif Tiif) oo majeerteen
ah ee dagaan iyo qaaraanba la wadaagaan qoyska reer naaleeye
v
Sidoo kale
qoyska Cawad deebaani oo yamaniyiin ah ay igauna deegaan iyo qaaraanba
la wadaagaan qoyska reer boqor
MAHADNAQ
Waxaa
mahd leh illaah waxaa kale oo iga mudan mahadnaq dhammaan dadkii igu
gargaaray isku-dubaridka iyo hannaanita Silsiladda Taxanka Taran ee
beelaha AXMED HARTI (MOORACASE); dadkaas oo ii fidiyey taageero
niyaddeed iyo mid dhaqaale.Waxa aan sidoo kale u mahad celinayaa intii
gacanta ka geysatay soo saaridda buugaan oo la’aantood aanay ii suurto
gasheen qabyo tirkiisu. Inkasta oo aan halkan ku soo koobi karin waxa
aan ka xusayaa.
1 |
Xassan Cabdalle Xassan (Raage) |
13 |
Cali Xirsi (Gaabane) |
2 |
Axmed Camalle Cadami (biikolo) |
14 |
Hiirad C/raxmaan Sugule |
3 |
Rooble Cumar Max’ud (Gudcur ) |
15 |
Saciid Cali Cabdalle |
4 |
Maxamuud Cali Kaarad |
16 |
Yaasiin Xuseen Cali |
5 |
Yaasiin Maxamed Maxamuud “Daanood” |
17 |
Siciid Muuse Maxamed (Wadaad) |
6 |
Ciise Cali Oday |
18 |
Maxamuud Maxamed Saciid |
7 |
C/salaam Yaasiin Ismaaciil |
19 |
C/risaaq Xuseen Gaacayte |
8 |
Xuseen Yuusuf Max’ed “Tooreey” |
20 |
Saciid Qaxiye Maxamed |
9 |
Salaad Qaxiye Cismaan “Xifte” |
21 |
Sugulle Saciid Faarax |
10 |
Maxamuud Saciid Adan |
22 |
Axmed Maxamed Axmed (Gabtan Faroole) |
11 |
Yaasiin Maxamuud Afcase |
23 |
Saciid Adan Nuux (Fatiino) |
12 |
Madar Dibow Yuusuf |
|
|
Waxa aan
si gaar ah ugu mahad celinayaa Xassan Maxamed Cumar “Looshade” iyo Axmed
Cabdi Maxamuud “Goobe” oo isku dubaridka, Garaacidda, Tafatirka iyo
qaabaynta buuga uga qayb qaatay.
Waxaan
abaal weyn u hayaa Suudi Mire Saalax oo taakulayn hagar la’aaneed igu
taban taabiyay si taas oo fir fircooni dheeraad ah igalisay si uu u
dhamays tirmo qaybtaan buugaan.
Mahadsanidiin
Maxamuud
Bile Dube: Mobile: 252590-726434 - 2525615593054 E-mail ;
bile2009@hotmail.com
Bossaso
- Somalia
Back
Home/dib u noqo
|